Fu'aad Guhaad: "Xorriyada
hadalka wax la hor joogsan karo ma ahan"
Fu'aad Guhaad Aadan & C/rixiin Cumar Kaariye oo ka
mid ah qurba joogta Soomaalid ah ee ku sugan Holland ayaa
markii ugu horreeysay hanjabaad cabsi gelin ah kala kulmay
xubno ka tirsan Xarakada Alshabaab oo ku sugan Gobolada
Sh/hoose & J/hoose, kaddib markii ay warbaahinta ka
howlgasha gudaha dalka ay ku faafiyeen afkaar ay kaga
soo horjeedaan wax ay ku sheegeen tacadiyada ka dhan ah
xuquuqda aadanaha ee ay kooxda Alshabaab ka geysaneyso
gudaha dalka.
"Qof kasta oo muwaadin ah wuxuu xaq u leeyahay
inuu ka hadlo fikradiisa ku aadan xaaladda markaas dalka
ka taagan; anigu reer Kismaayo ayaan ahay waxaan marar
badan aniga oo halkan jooga ka hadlay dilalka ay Kismaayo
ka geysanayaan kooxda Alshabaab oo hadafkooda yahay
in ay suuliyeen dadka maskaxda u ah bulshada; falalka
wuxuushnimada ah ee Alshabaab ay ku bartilmaameedsanayaan
dadka maskaxda u ah bulshada si gaar ah ayeey ii saameysay
waayo waxaa dadka la bartilmaameedsanayey ka mid ah
qoyskeyga" Ayuu yiri Guhaad Aadan oo wareysi siiyey
ku dhowaad 2 sanno ka hor Idaacadda Kismaayo, wuxuuna
Fu'aad ku nuuxnuuxsaday in markii kooxaha Alshabaab
ay dhageysteen wareysigiisa ay la soo xiriireen isaga
oo Holland ku sugan taleefan loo soo diray loogu hanjabay
inuu yahay bartilmaameed.
Fu'aad wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya sida keliya
ee Qaranimadeeda lagu soo celin karo ay tahay in shacabku
garowsado dantiisa, ayna meel kaga soo wada jeestaan
sidii ay ugu midoobi lahaayeen danahooda.
"Soomaaliya halka ay ka burburtay waxeey tahay
shacabkii ayaan waddaniyiin aheyn, waxaan soo jeedinayaa
in shacabku dantooda gartaan" Ayuu yiri Fu'aad.