Kaniisadii
Masiixiga ee ku taalay magaalada Muqdisho oo Dagaaladii
ka dhacay halkaas Madaafiic lagu duqeeyey ayaa hada
waxaa ku Nool Barakacayaal fara badan (Halkaan ka
Daawo Caalamka oo arintaan ka Qeeyliyey)
Inta badan Jaraaidyada
ka soo baxa dalalka Yurub wexeey maqaal ama Sawiro
ahaan u soo qaateen War Muuqaal ahaa oo eey soo tabisay
Wakaalada Wararka ee (AFP).
War bixintaan waxaa lagu sheegay Kaniisadii ku taalay
Magaalada Muqdisho ee Dadka Masiixiga ah eey Caabudi
jireen xiliyadii Nabada in hada si xun loo dayacay
oo weliba Madaafiic culus lagu Duqeeyey.
Inta badan Jaraaidyadaan wexeey soo bandhigeen Cadeeymo
lagu sheegay in kooxaha Soomalida ah ee ku Dagaalama
gudaha magaalada Muqdisho eey ku Tijaabiyaan Hubkooda
qatarta ah dhismaha ama gidaarada Kaniisada oo ka
sameeysan Shub aad u adag.
Halkaan
ka Daawo Kaniisadii Muqdisho oo si xun loo Duqeeyey
Magacyada iyo kooxaha Falkaas geeystay ma xusin War
bixin taan balse waxaa qoraalkaan la daba dhigay in
Dadka Muslimiinta ah ee ku leh Masaajidada wadamada
Yurub kuna Nool Qaarada Yurub eey ka helaan Bulsho
weeynta Masiixiga ah xushmo iyo qadarin halka Kaniisadaha
ku yaal Dalalka Islaamka eey inta badan la kulmaan
dhibaatooyin joogto ah iyo Cabsi kaga timaada dad
Mayal adag.
Wakaalada Wararka ee AFP wexeey si toos ah u soo bandhigtay
Kaniisadii Dadyoowga Masiixiga ah eey ku lahaayeen
magaalada Muqdisho oo Madaafiic xoogan iyo Bur bur
baaxad leh uu ka muuqdo waxeeyna sheegtay Wakaalada
AFP in Kaniisada dhexdeeda eey ku nool yihiin ama
Hooy ka dhigteen Dad Shacab ah oo ka soo Barakacay
Abaaraha ka jira Koonfurta dalka Somalia.
Halkaan
Ka Daawo