Saraakiisha hogaamineysa
Al shabaab ee Puntland garey oo lasheega in la ogaaday
Magacyadooda iyo Deegaanadda ay asal ahaan kasoo jeedaan
Iyadoo dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay socdaal
ku marayaan deegaano ka tirsan maamulka Puntland ayaa
waxaa wararku ay sheegayaan in la heyb aqoonsaday saraakiisha
hogaaminaya Al shabaabka duulaanka ku ah Puntland.
Warbaahinta Puntland ayaa baahisay in shabaabka deegaanadooda
gaaray ay hogaaminayaan shan sargaal oo kasoo jeeda
deegaanadaasi.
Shanta sargaal ayaa magacyadooda waxaa ay kala yihii:
Saciid Karateey oo ka soo jeeda Magaalada Garoowe ee
Gobolka Nugaal
Xasan Takar oo ka soo jeeda Degmada Goldogob ee Gobolka
Mudug.
Jaamac C/asalaan oo kasoo jeeda Gobolka Mudug .
Ilqeyte oo kasoo jeeda Gobolka Mudug.
Cadoow Gowtax oo kasoo jeeda Gobolka Mudug
Ciidamadda maamulka Puntland ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo
ay kaga hortagaan Shabaab duulaanka ku ah deegaanadooda.