G. Galmudug Devlop. Foundation ee Holland ```Hadallka R/wasaare waa daan-daansi, wuxuuna u muuqaa nin ku socda waddiidii hore ee gumaysigii 60 sano la soo dafay `` (SHIR JARAAÍD)

Guddoomiyaha hayádda Galmudug Devlompent Foundation ee waddanka Holland Aqoonyahan Maxéd Cusmaan Gure Ma'muun, ayaa maanta shir jaraaíd oo uu ku qabtay xafiiskisa, wuxuu si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo todobaadkii hore fagaro ku yaal Gaalkacyo ka sheegay in Galmudug aaney noqon karin maamul goboboleed buuxda, maadaama aaney haysan 2 gobol oo dhammeytiran.



``Haddii Galmudug aaney soo buuxin shuruudaha ay ku noqon karto maamul goboleed, suurtagal ma noqon laheyn in ay ka mid noqdoto saxiixayaasha shirarkii lagu soo dhisay dowladda, hadalka R/wasaaruhu wuxuu u muuqdaa hadal daan-daansi ku ah dowlad goboleedka Galmudug & shacabkeeda waxaana leenahay Saacid``oohinta orgiga ka weyn`` ayuu yiri Guure, wuxuuna intaa ku daray in Jaaliyadda Galmudug ee ku dhaqan Holland iyo Yurub in ay si buuxda u cambaareyneyso hadalka ka soo yeeray Saacid.

``Galmudug waa ummad taariikh dheer ku leh Soomaaliya, lana ogyahay doorkooda oo aaney jirin cid qarin karta, waxaana uga baaqeynaa hayádaha dowladda in ay jawaab ka bixiyaan hadalka ka soo yeeray Saacid`` ayuu yiri Guure, wuxuuna intaa ku daray;

"Galmudug dhulka ay ku fadhido wuxuu ka badan yahay 2 gobol & saddex gobol, R/wasaaruhuna waa in aanu iska indha tirin in Galmudug ay ka xishooneyso sida ay sameeyeen maamulada qaarkood oo halkii gobol 3 jibaaray, R/wasaaraha Saacid wuxuu u egyahay nin xaquuqdaradii lagu hayn jiray 60 sano la soo dhafay shacabka Galmudug State ee dowladahii hore in uu waddadoodii horay raacay, taasi waa mid aanan laga yeelidoonin"

Aqoonyahan Guure wuxuu kaloo uu sheegay in todobaadkan uu kulan la yeeshay ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaranka, ayna ka wadahadleen

"Ku-Xigeenka Mahiga wuxuu muujiyey inuusan la dhacsaneyn hadalada ka soo yeeray Saacid, waxaana uu sheegay in dowladdu xilweyn uu ka saaran yahay in ay hanaan ku dhisan cadaalad ay ula wada tacaamusho maamul goboleedyada" ayuu yiri Guure.


Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com

Copyright © 2007 Dayniile.com All Rights Reserved

Contact Us at: Dayniilecom@hotmail.com