Murashaxa
Al-Xaaji Maxamed Yaasiin oo magaalada Ankara kulamo
kula qaatay mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Turkiga
(DAAWO SAWIRO)
Al-Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid
ah murashaxiinta u taagan doorashada xilka madaxweynaha
Somalia ee dhowaan la qaban doono ayaa dhawaan socdaal
ku tagay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga halkaasoo
uu kulamo kala duwan kula qaatay masuuliyiin ka tirsan
dowlada dalkaas iyo qaar kale oo madax ka ah heyaddo
iyo axsaab ka dhisan Turkiga.
Murashaxa Al-Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa
madaxda ka tirsan dowlada Turkiga ee uu la kulmay waxaa
ka mid ah ku-xigeenka wasiirka Awqaafta dalka Turkiga
iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaas iyagoo ka wada hadlay
xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia iyo sidii doorashada
madaxaweynenimo ee dhowaan laga qaban doono Somalia
ay ugu dhici laheyd qaab cadaalad ah.
Waxaa kulankaas ka hadlay Musharaxa Al-Xaaji
Maxamed Yaasiin oo dowlada iyo shacbiga Turkiga uga
mahad celiyey gargaarkii hagar la'aanta ahaa ee ay u
fidiyeen dadkii ku tabaaloobay abaarihii ka dhacay dalka
sanadkii hore iyo mashaariicda horumarineed ee ay illaa
hadda ay ka wadaan dalka.
Murashaxa Al-Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa
sheegay in dowlada Turikiga ay muujisay sida ay uga
go'antahay iney garab istaagto umada Soomaaliyed ee
walaalahood, isagoo ugu baaqay iney sii xoojiyaan kaalmada
ay u fidinayaan dadka Soomaaliyeed ee weli dhibaatadu
heysato, wuxuuna dhinaca kale ka codsaday madaxda Turkiga
iney gacan ka geystaan sidii doorashooyinka madaxtinimo
ee dhowaan laga qaban doono dalka ay si cadaalad ah
ugu qabsoomi lahaayeen.
Wasiir ku-xigeenka Awqaafta dalka Turkiga
iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaas oo iyana kulankaas
ka hadlay ayaa sheegay in taageerada ay siiyaan walaalahood
Soomaaliyeed ay tahay mid waajib ah maadaama labada
umadood ay yihiin kuwo islaam ah, waxayna balan qaadeen
in dowlada iyo shacabka Turkiga ay sii wadi doonaan
kaalmada ay siiyaan umada Soomaaliyeed inta ay dhibaatada
ka baxayaan.
Murashaxa Al-Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa
sidoo kale kulamo la qaatay Xoghayaha guud Ururka Adduunka
ee Maamulka Gobolda iyo madaxa Machadka Samanyolu oo
ku yaala magaalada Ankara, sidoo kale waxaa kulan uu
la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Caddaalada
iyo Horumarka ee haya talada dalka Turkiga iyo Guddoomiyaha
Rugta Ganacisga ee dalkaas.

Sidoo kale Murashaxa Al-Xaaji Maxamed
Yaasiin ayaa waxaa magaalada Istanbul qado Sharaf soo
dhoweyn iyo maamuus leh ugu sameeyey Ururka Nabadda
ee Capital Platform oo ah urur ka dhisan dalka Turkiga,
iyadoo madaxda ururkaasna ay sheegeen in Somalia ay
u baahan tahay inuu hogaamiyo qof daacad ah sida Musharaxa
Al-Xaaji Maxamed Yaasiin oo ay xuseen inuu dhibaatada
ka saari karo.

Murashaxa Al-Xaaji Maxamed Yaasiin oo sidoo kale ah
ganacsade si weyn looga yaqaano geeska Afrika ayaa mudooyinkanba
socdaal ku marayey dalal kala duwan oo caalamka ka tirsan
isagoo madaxda dalalkaas u sharaxayey qaabka uu dalka
ku hogaamin doono haddii loo doorto xilka madaxweynaha
Somalia oo uu sharaxan yahay.